• Mon. Mar 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Xawaaraha Duufaantii ku dhuftay Xeebaha Gobolka Bari oo yaraatay

ByMadaxa Wararka

Nov 25, 2020

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo cunada ayaa sheegtay in ay iminka daciiftay oo ay tabar dareysay duufaanta GATI ee xeebaha bari ee Soomaaliya ku dhufatay 22 bishaan November.

Duufaanta ayaa xawaaraheedu yaraaday 12-saac ee la soo dhaafay, iyada oo dhanka waqooyi galbeed u jiheysatay halkaas oo ay xilligaan ka da’ayaan Roobob xiriir ah kuwaas oo biyo dhigay magaalooyin kala duwan oo ku yaala Deegaanadaas. Deegaanada Duufaata iyo roobabku saameeyeen ayaa weli waxaa ka jirta xaalada ay reebtay sida burburka guryaha burburka Gadiid badeedka Kaluumeysiga iyo khasaaraha kale ee nafeed ee soo gaaray dadkii iyo duunyo kala duwan oo halkaas ku dhaqneyd walow aan weli la sameyn qiimeyn rasmi ah oo xaalada la xiriirta.

Dhanka Somaliland ayaa xilligan waxaa kacsan Badda taas oo hakad gelineysa in loo kaluumeysi tago sidoo kale dhanka Somaliland waxaa la saadaalinaya roobab dhex dhexaad ah sadaxda cisho ee soo socota ka da’i doono deegaannada maamulkaas. Xilligan waxaa saadaasha cimiladu tilmaameysaa inaan la fileyn roobab hor leh oo ka da’a maadama ay ay Duufaanta GATI u gudubtay dhinaca Waqooyiga Soomaaliya.

One thought on “Xawaaraha Duufaantii ku dhuftay Xeebaha Gobolka Bari oo yaraatay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *