• Sun. May 21st, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Ciyaaryahan Maradona oo u geeriyooday wadno xanuun

ByMadaxa Wararka

Nov 26, 2020

Halyeygii hore ee Xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee dalka Argentina kadib markii uu asiibay wadno xanuun sida uu soo wariyay wargayska Daily mail.

Maradona oo ahaa 60 jir wuxuu ka mid ahaa xirfadyahanadii ugu sareeyay ee abid soo maray kubadda cagta, waxaana si gaara loogu xusuustaa koobkii dunida ee sanadkii 1986 uu gacanta u galiyay dalkiisa Argentina, isagoo xulkiisa u saftay 91 cayaar caalami ah, una dhaliyay 34 gool.

Guulihii uu ka gaaray ciyaaraha kubadda cagta waxaa ka mid ah a) Koobkii Adduunka oo u qaaday dalkiisa sanadkii 1986 ee lagu qabtya Mexico 2) Copa América oo uu ka galay kaalinta saddexaad 1989 laguna qabtay Brazil 3) Koobka Adduunka ee ka yar 20 jirada ee lagu qabtay Japan oo uu xulkiisa u qaaday sanadkii 1979-kii.

Xidiga ayaa u soo cayaaray Kooxaha Argentinos Juniors, Boca Juniors oo labaduba ka dhisan Argentina, Barcelona oo Spain ah, Napoli oo Talyaani ah, Sevilla oo sidoo kale Spain ah. Madaxweynaha xirirka kubadda cagta ee dalka Argentine Claudio Tapia ayaa xaqiijiyay geerida halyeeyga xulka Qaranka Argentine, Maradona ayaa lagu tiriyaa in uu ahaa xidiggaha mucjisada ah ee kubadda cagta adduunka soo maray.

Horaantii bishan ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka maskaxda ah, waxaana dib loogu celiyay hoygiisa markii lagu guuleystay qaliinka, Maradona wuxuu dhashay 30 October 1960, wuxuuna geeriyooday 24 November 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *