
Waxaa xalay soo idlaaday waqti kama dambeysa ah oo ay dowladda Raysul wasaare Abiy Ahmed ee dalka Itoobiya ay u qabatay dagaalyahanadda xisbiga TPLF inay isku soo dhiibaan. Waxaa laga cabsi qabaa in dawladu bilawdo hawlgalkii ugu danbeeyay waxay ugu yeertay oo lagu soo celinayo sharciga iyo kala danbaynta laguna soo hortaagayo sharciga dadka fawdada iyo qalaalasaha kawada dalka Itoobiya.
Hawlagalkan ayaa bilaaban kara saacad kasta oo soo wajahan waxaana laga cabsi qabaa in halkaas ay ka dhacaan gabood falo dagaal oo labada dhinacba ay gaystaan maadama aan Wararka saxda ah ee goobaha dagaalka ka imanaya aanan la xaqiijin karin Khadka taleefonada iyo internetka oo jaran awgeed.
War laga soo xigtay xafiiska Raysul wasaare Abiy ayaa lagu sheegay in beesha caalamku uu cadaadis badan uga imanayo laakin wuxuu ugu jawaabay Raysul wasaare Abiy inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha ee Itoobiya, isagoo dagaalka socda ugu yeeray howlgal ciidan oo lagu soo celinayo sharcigii iyo kala danbayntii gobolka Tigerga oo ay la wareegeen wuxuu ku sheegay falaagada TPLF ee mudadda dheer ka soo talinaysay wadanka Itoobiya.
Dalkan soconayaa mudadda ka badan 3 asbuuc ayaa wuxuu sababay inay dad badan guryahooda ka xaqaan iyagoo utalaabay dhinaca wadanka Suudan oo iyaduba aan wax badan dhaamin dalka Itoobiya xaga dhaqaalaha. Hayadaha caalamiga ayaa baaqyo isa soo taraya ujeedinaya beesha caalamka iyagoo dalbanaya in gargaar deg deg ah la la soo gaar dadka kasoo qaxay colaadaha ka aloolsan wadanka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigreega. Khuburo badan oo daraasaysa siyaasada geeska Afrika ayaa sheegaya dagaalkan inaysan dawalada Itoobiya kusoo afjari Karin wakhti kooban xitaa haddii laga adkaado xoogaga TPLF ee ay suuragal tahay in dagaal sokeeye bilowgeed noqon karto wadadan haddii aan wada hadal wax lagu xaliln.