Kulan ay mudanayaasha Baarlamaanka Puntland maanta ku yeesheen Garoowe ayna goobjoog ka ahaayeen Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanka aanu ka doodin Heshiiska Shirkadda P&O ee hoos tagta DP World ay kula jirto Puntland kaas oo ku saabsan dhismaha iyo balaarinta Dekada Boosaaso. Kulanka oo ahaa fadhiga 18aad kalfdhigiisa 47 ayaa waxaa gudoonka soo gudbiyay codsi Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni uu khamiistii kulan qado ah ugu soo gudbiyay Mudanayaasha Baarlamaanka inay heshiiskaas iyo qorshihiisa u daayaan Xukuumadiisa.
Baarlamaanka ayaa cod geliyay in codsiga Madaxweynaha la aqbalo iyo inkale waxaana ogolaatay aqbalaada codsiga Madaxweynaha 38 xildhibaan waxaana ka aamusan 11 xildhibaan.
Kalfadhiga waxaa soo xaadiray 49 mudane ma jirin xildhibaano diiday sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil waxaana sidaas darteed uu Baarlamaanka Puntland faraha ugala baxayaa heshiiska P&O ee dhismaha dekada Boosaaso kaasi oo ilaa 2017 aysan shirkadu waxba ka qaban.
lama oga talaabada Xukuumada uga qorsheysan arinta heshiiskan oo horey ay u gashay xukuumadii hore ee Madaxweyne C/weli Cali Gaas.