• Sun. May 28th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Dawlada Turkiga Dalka ka hirgelisay Shaybaar lagu hubinayo tayada Ciid, Biyaha iyo laamiyada.

ByMadaxa Wararka

Nov 28, 2020

Dawlada Turkiga gaar ahaan haya’adda TIKA oo sanadihii udanbeeyay garab taagnayd Dawlada Soomaaliya iyo shacabkeeda ayaa Jaamacadda Muqdisho gaar ahaan qaybta dhismaha lagu barto ka hirgelisay shaybaar lagu hubinayo tayada ciida, biyaha iyo laamiyada.

Qoraal ay soo saartay Haya’ada TIKA ayaa u qornaa sidan” Jaamcadda Mqudsiho oo ay dhigtaan arday gaaraysa 12,000 ayaanu ka hirgelinay qaybta lagu barto dhismaha shaybaar lagu hubinayo walxaha dhismaha loo isticmaalo sida biyaha, ciida iyo laamiyada”.

Shaybaarkan ayaa noqonaya mid ku cusub dalka oo laga hirgeliyo jaamacaddaha dalka, waxaana la filayaa inay arday badan ka faa’iidaystaan fursadan ayna ka heli doonaan khibrad iyo aqoon badan.

Dawlada Turkiga ayaa saaxiib dhaw la’ah dawlada Soomaaliya waxayna ka caawisaa dhinacyo kala gedisan sida arrimaha dhaqaalaha, dhismaha ciidmada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *