• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Iiraan oo Israaiil ku eedeysay dilka Saynisyahnkii laga dilay

ByMadaxa Wararka

Nov 28, 2020

Madaxweynaha Iiraan Xasan ruuxaani ayaa ku eedeyay Calooshood u shaqeystayaal Israaiili ah inay ka danbeeyeen dilka Mohsen Fakhrizadeh oo ahaa saynisyahan sare oo ka mid ahaa quburada Iiraan ee Hubka nuclear-ka waxaana lagu dilay gudaha iiraan habeenkii Sabtida. Hogaamiyaasha Diinta iyo Ciidanka ee Iiraan ayaa wacad ku maray inay u aargudi doonan dilka loo geystay Fakhrizadeh kaas oo u dhintay dhaawac rasaaseed oo ka soo gaaray ka dib markii koox hubeysan ay gaarigiisa ku weerareen bariga Magaalada Tehraan.  Hogaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollaah Cali Khumeyni ayaa wacay ku maray inay ka aargudan doonan kuwadi dilay sarkaalkan Cilmiga sayniska ku taqasusay .

Hogaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollaah Cali Khumeyni waxaana uu geesta kale hoosta ka xariiaqay in uu soconayo shaqeyna doono hubka nuclearka dalkiisa ee muranka badan ka dhaliyay aduunka. Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan. Dowladda Iraan ayaa ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay cambaareeyaan dilkii lo geystay Seynisyahan dhanka Niyukleerka ah oo shalay al dilay.

Dhanka kale, Guterres wuxuu ku booriyay is xakameyn qoraal uu sii baahiyay afhayeenkiisa kaas oo lagu xusay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara in xiisadaha Gobolka ka jira ay kordhaan.

Dowlada Iiraan iyo Dowladaha reer galbeedka waxaa ka dhex oogan xiisad xoog leh oo la xiriirta Arinta hubka Nuclearka qarsoodiga ah ee iiraan ay sameysatay waxaana Dowladaha ugu quwada badan aduunka oo ay ku jiraan mareykan iyo Israaiil si joogta ah ugu hanjabeen dalkaas inay talaabo ka qaadi doonan waxaana muddo dheer iiraan saran cunqabateyno dheeraad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *