• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Midowga Yurub oo ka hadlay dil ay fulisay Somaliland

ByMadaxa Wararka

Nov 28, 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya maanta ayaa si adag looga hadlay xukun dil ah oo ay Somaliland ku fulisay 6 qof laba cisho ka hor.
Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya qoraalkiisa ayaa lagu sheegay inay si aad ah uga xumaadeen xukunkaas dilka ah oo lagu fuliyay maxaabiis ku xirnaa xabsiga Mandheera ee Somaliland.
“Midowga Yurub wuxuu mowqif mabaadii ah ka haystaa xukunka dilka wuxuuna diidan yahay in ciqaabta dilka la adeegsado xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.
Lixda qof ee dilka ay ku fulisay Somaliland ayaa Maxkamadaha Somaliland waxay ku heleen cadeymo muujinaya inay geysteen dilal hore kuwaas oo sida shareecadu qabto ay tahay in la qisaaso.
Warka midowga yurub waxaa lagu adkeyay in dunida ay ka sii gudbeyso ciqaabta dilka tooska ah ee la fuliyo, “inkabadan laba meelood oo sadex meel dalalka aduunka ayaa ka noqday sharciga iyo ku dhaqanka dilka” ayaa lagu soo gabagabeyay bayaanka Midowga Yurub.
Somaliland oo xukunkan fulisay weli kama aysan hadlin waxaase hore Somaliland loogu xusuustaa inay ku yareyd fulinta xukunka dilka oo lagu fuliyo dadka lagu helo fal dil ah lamana oga waxa iska badelay tan iyo sannadkan bilowgisii waa markii labaad oo ciqaab dil ah la fuliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *