• Wed. May 24th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Deportivo Alaves oo guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano

ByMadaxa Wararka

Nov 29, 2020

                

Deportivo Alaves ayaa guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga. Qeybbtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Deportivo Alaves. Daqiiqadii 5-aad ee bilawgii ciyaartaba kooxda Deportivo Alaves ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lucas Perez, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Alaves. Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

 Daqiiqadii 49-aad Deportivo Alaves ayaa la timid gool labaad waxaana ciyaarta 0-2 ka dhigay Joselu, kaddib markii uu ka faa’ideystay qalad uu sameeyay goolhaaye Thibaut Courtois. 86 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Real Madrid ayaa la timid gool, waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Brazil ee Casemiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *