Hadaba aynu usoo laabanao sida ay bulshadeenu uga qayba qaataan waxbarashada: mid ka bilaabanta guriga oo ay ka mid tahay Akhlaaqda, Caqiidada, iyo Dhaqanka oo ka timaad waalidka & mid banaanka ah sida Malcaamadaha, Dugsiyada, Jaamacadaha iyo meelaha ka baxsan guriga. Waana labada meelood ee uu qofku ka helo Diin, Dhaqan iyo Aqoon, waxaana muhiim ah marka qofku waxbaranaayo inuu leeyahay hami sare iyo aragti fog, diyaarna u yahay inuu wax ka badalo horumarka Naftiisa, Deegaankiisa iyo Dadkiisa. Horumarka ay gaadhay dunidan casriga ee maanta aynu ku nool nahay waxaa tiir u ah aqoon lagu dadaalay lagana midho dhaliyay qof kasta oo waxbarta waxa uu ku dadaala sidii uu naftisa u anfici laha iyado aad moodo in laga tagay bulshadii. Ugu danbayn hadafkeena iyo doonitaankeenu waa inaan ku dadaal naa sidii aan u heli lahayn aqoon si aan u dhisno mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena, waana waajib saran qofkasta oo caqli taama leh, Ilaahayna waxan ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwii ku liibaana aqoontooda if iyo aakhiro.
Kaalinta waxbarashada
