War qoraal ah oo uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay si rasmi ah ila wareegeen gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Caasimadda Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya. War qoraal ah oo uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Caasimadda Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya. “ waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago in aan dhameyney howlgalkii Military ee gobolka Tigray, hadafkeenu hada waa inaan bilowno dib u dhiska gobolka iyo geynta gargaarka bini aadanimo marka ciidamada amaanka qabtaan hogaamiyaasha TPLF. Si aad usii akhriso soo qor geeska1.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada General Birhanu Jula, ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada in Ciidamada ay xoriyadooda u soo celiyeen ku dhawaad 7000 oo ka mid ah ciidamada amaanka kuwaas oo afduub ahaan ay TPLF ugu haystay Saldhiga woqooyi. Gelinkii hore ee sabtida Hogaamiyaha TPLF ayaa wakaalada wararka ee Reuters waxaa uu fariin qoraaleed SMS ugu sheegay in duqeyn xoog leh ay ku socoto Magaalada Mekelle , wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Ciidamadu isticmaalayaan madaafiic. Marka laga yimaado sheegashada Dowlada ma jirto xog kale oo laga heli karo furimaha dagaalka ee gobolkaas maadama isgaarsinta sida telfoonka iyo internetkaba laga jaray markii dagaalku biloowday bishan bilowgeedi. Magaalada Mekelle waxay hoy u tahay ku dhawaad 500,000 oo qof waxaana ay ka mid tahay Magaalooyinka Dalkaas iyo qaarada Africa uga jira safka hore dhinac quruxda balse waxaa la filankaraa dagaalkan iyo duqeymahan inay Magaalada ka dhigaan mid burbursan.