Sida lagu sheegay daraasado horay ay usoo saareen hay’ado maxalli ah oo darsa waxbarashada Soomaaliya, waxaa sanad walba ka baxa Jaamacadaha dalka kummaan aqoonyahan oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan badi helin shqooyin. Sababta dhallinyaradaas aysan u shaqo helin ah ayaa ah ayada oo dalka ay shaqo la’aan xooggan, maadaama dalka uu sanado badan dib u kabasho ugu jiro colaadihii sokeeye ee wakhtiga dheer ka jiray Hase yeeshee arrinta walaaca leh ayaa waxay tahay in iyadoo fursadaha shaqo ay aad u koobanyihiin haddana in xaddiga aqoonyahanka soo baxaya uu aad u kordhayo Waxaa la isku raacsan yahay in wadanku gabi ahaanba ay kamaqant ahay kaalintii farsamada gacanta oo wax badan kusoo kordhin lahayd shaqa abuurka dalka iyo wax soosaarkiisa balse yegleelida iskuul farsamo gacanta lagu barto ayaa ubaahan taageero dawladeed iyo dhiirigelin badan in loo sameeyo dhalinyarada iskuulada kasoo qalin jabinaya sanad walba.
Waxaa jira goobo kooban oo haya’ado ay maalgeliyaan oo lagu barto koranto iyo farsamada biyaha oo wadanka aan aad ugu baahsanayn laakin haddii barashada qaybaha kale ee farsamada gacanta oo lagu baahiyo dalka waxay keeni kartaa in shaqo yaradu hoos udhacdo dhalinyaro badana ay halkaas fursado ka helaan. Tusaale farsamada dhisida guryaha iyo qurxintooda inta badan wadanka waxaa ka qabta shaqaale ajaanib ah sida Yamaniyiin, Bangaladhesh, Kenyati iwm. sidaas darteed hirgelinta iskuulo barashada farsamooyinka waa fursad dehin oo looga faa’iidayn karo shacabka Soomaaliyeed.