• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Dowlada Soomaaliya oo Safiirkii Kenya wadanka ka cayrisay

ByMadaxa Wararka

Nov 30, 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibadda ayaa Soomaaliya waxay ugu yeeratay Safiirkeedii Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxayna sido kale Safiirka Kenya Danjire Lucas Tumbo ay ku wargelisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Qoraalka Dowlada Federaalka waxaa lagu sheegay in go’aankan ay Dowlada Soomaaliya qaadatay ka dib makii ay muuqatay in Kenya ay faragelin aan gabasho lahayn ku soo qaaday arimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan Jubaland, Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay in Kenya ay ku cadaadineyso Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu fuliyo Ajandaheeda siyaasadeed kaas oo carqaladeyneysa heshiiskii siyaasadeed ee Doorashada Soomaaliya.

Talbaada fargelinta ah ee Dowlada Kenya ayaa ay Soomaaliya ku tilmaantay mid ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee Dowladaha Deriska ah, sidaasi darteedna Dowlada Dhexe iyadoo ilaalineysa madax banaanida Qaranka ay qaadatay go’aanka ay kula soo laabatay safiirkeeda halka Safiirka Kenyana loo diray wadatashi uu dowladiisa la soo sameeyo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya horey uma wanaagsaney xiriirka ka dhaxeeya tan iyo wixii ka danbeyay markii dacwada Badda ay gaartay Maxkamada Aduunka taas oo weli laga sugayo go’aanka kama danbeystay wallow dhowr jeer dib loo dhigay.

Geesta kalena waxaa tan iyo soo shaac bixidii Xanuunka Covid 19 aan dalka Soomaaliya si rasmi ah u imaan qaadka ka yimaada Kenya kaas oo ay rasmi ahaan u joojisay Dowlada Soomaaliya waxaana ay dhagaha ka fureysatay baaqyo kala duwan oo ka imaanayay ganacstada iyo Madaxda Kenya oo la xiriira in ganacsiga qaadka la furo.

Dowlada Kenya weli kama aysan hadlin go’aankan ka soo baxay Soomaaliya mana jirto wax talaabo ah oo ay ilaa hada qaaday, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamul goboleedka Jubaland oo ku aadan faragelinta Kenya lagu eedeyay inay ku hayso maamulka Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *