Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo wareysi gaar ah siiyay wakaalada wararka AP ayaa kaga hadlay xaalada Gobolka Tigray oo dhawaan lagala wareegay gacan ku hayntiisa wuxuu ugu baaqay Ra’iisul wasaare Abiy inuu joojiyo waalida ciidankiisana uu kala baxo Gobolka wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalku socon doono. Hadalka Debretsion Gebremichael ayaa imanaya xilli dowlada Federaalka ay sheegatay in la soo gabagabeyay howlgalkii Gobolkaas hatana lagu daba jiro qabashada Hogaankii kooxda TPLF ee laga qabsaday Gobolkaas.
Wuxuu wareysi telfoon ku sheegay in ciidankiisu weli ka dagaalamayo meel u dhow Caasimada Mekelle ee Gobolka Tigray halkaas oo sabtidii ay Ciidanka Federaalka ka sheegteen guul iyo inay kala wareegeen ciidankii TPLF. “Ma aqbali doono guusha Abiy waxaan hubnaa inaan guuleysaneyno waana wadeynaa tan iyo inta aan banaanka uga saareyno Gobolka” sidaas ayuu telfoonka uga sheegay wakaalada wararka AP hogaamiya Tigray.
Xiisada Gobolka ayaa oogenyd tan iyo bilowgii bishan November 2020 ka dib markii ciidamada Tigray ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaala Gobolkaas taasi oo markii danbe dhalisay in weerar toos ah lagu qaado halkaas. Sheegada Dagaalada Guusha ciidanka Federaalka iyo mida TPLF lama xaqiijin karo waxaana weli maqan telfoonka iyo internetka Gobolkaas balse hogaamiyahan ayaa isticmaalaya isgaarsiinta Thuraya loo yaqaan taas oo toos ugu xiran dayax gacmeedka.