Dowlada Kenya oo sheegtay inay jawaab ka soo saari doonto safiirkeeda laga soo saaray Dalka Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau.
Dowlada Soomaaliya ayaa Axadii waxay ku amartay in Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo uu dalkiisa ku aado 24saac gudahood si uula tashi ula soo sameeyo dowladiisa halka safiirkii Soomaaliya ee Kenyana Maxamuud Axmed Tarsana looga yeeray Muqdisho.
Talaabadan Dowlada Soomaaliya ay qaaday waxay ku sheegatay in Kenya ay fargelin xoog leh ku hayso arimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka soo food leh iyo sidoo kale in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ay kenya saareyso cadaadis la xiriira in laga noqdo heshiiskii Doorshada ee dhawaan la gaaray.