• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Khilaafka Dawladaha khaliijka oo la xalinayo

ByMadaxa Wararka

Nov 30, 2020

Aqalka Cad ee looga arramiyo wadanka Maraykanka ayaa shaaciyay in lataliyaha Madaxwaynaha Kushner iyo koox uu hogaaminayo ay u safri donaan asbuucan wadamada Qadar iyo Sucuudiga si loo xaliyo khilaafka wadamada Khaliijka.

Waxaana la filayaa in lataliyaha Madaxwaynaha Kushner uu kula kulmo dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman (MBS) magaalada Neom ee dalka Sucuudiga iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani maalmaha soo socda. Waxaana la rajaynayaa in Kushner uu ku qanciyo Qadar iyo Sucuudiga inay xal degdeg ah ka gaaraan khilaafaadka jira.

Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Maasar ayaa horey xiriirka ugu jaray wadanka Qadar kuna soo rogay cunaqabatayn dhulka,hawada iyo bada sanadkii 2017 iyagoo ku eedeeyay inay taargeerto kooxaha argagaxiso ah iyagoona ka dalbaday 13 qodob inay Qadar fuliso si loo xaliyo khilaafka balse Qadar ayaa iska diiday kuna dooday in wadan kasta madax banaanidiisa la dhawro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *