Koox hubeysan oo wata Mootooyin ayaa Gobolka Borno ee Dalka Nayjeeriya si aan naxariis lahayn ugu dilay in ka badan 100 qof oo beeraley ah kuwaas oo ku sugnaa beerahooda markii dil wadareed aan kala sooc lahayn ay kooxdaasu ku beegsadeen.
Ilaa hada ma cadda sababata rasmiga ah ee dilka ay ku muteysteen dadkan beeralayda ee lagu beegsaday Deegaanada kala Koshobe, jare kuwaas oo ka tirsan Gobolka xiisadaha badan ka jiraan ee Borno, marka laga yimaado dilkan naxariis la’aanta waxaa weheliya afduub loo maleynayo in loo geystay haweenka deegaanka falkan ka dhacay.
War ka soo baxay Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee arimaha bini’aadanimada dalka Nayjeeriya Edward Kallon ayaa ku tilmaamay weerarkan uu noqonayo mid kii koowaad oo naxdin leh laguna beegsado caruur aan waxba galabsan iyo beeraleey, waana weerarkii koowaad oo noociisa ah sannadkan ka dhaca halkaas xiriirayaha ayaa ku baaqay in kuwa falkan gumaadka ah geystay cadaalada la hor keeno.
Tirada dhimatay marka laga reebo waxaa iyana jira tiro kale oo weerakan xasuuqa ah ku dhaawacmay halka qaarkalena la rumeysan yahay in la qafaashay
Ma jirto ilaa hada koox sheegatay masuuliyada weerarkan, laakin kooxda hubeysan ee Boko Haram iyo faraceeda ISWAP ayaa horey weeraro sidan oo kale ah ka geystay Gobolkan iyo dalka Nayjeeriya kuwaas oo dad badan ay waxyeelo ka soo gaartay.
ma jirto cid ilaa iminka falkan ciidamada amaanka u qabteen balse afhayeenka MAdaxweyne Buhari ayaa ka tacsiyey falkan fuushaxun waxaana warka madaxweynaha lagula hadlay shacabka oo loo sheegay inaysan dhibta ku daawan qarinina dadka danbiilayaasha ah.