Saaka magaalada Garowe waxaa gabi ahaana xiran suuqa wayn ee Injida sababo la xiriira sarrifka doolarka oo sara u kacayay muddooyinka danbe oo dhan taas oo ganacastada yaryar aad u saameeyay. Waxaa magaalada lagu soo yaaciyay ciidamo la sheegay in loogu talagalay in looga hortago mudaaharaadka iyo qalaalase ka dhalan kara dadka isku imaanaya.
Muddo dhawr jeer ayay ganacastada cabasho ka dhan ah sarrifka sii kacaya ugudbiyeen dawlada, sidoo kalena mudaaharaadyo ka sameeyeen magaalooyinka Garowe, Bosaaso iyo Gaalkacyo balse wax muuqda ilaa hadda dawladu kama qaban.
Dad badan ayaa ku sababaynaya sara ukaca sarifka doolarka lacago badan oo dalka la soo geliyay iyo lacagtii hore oo suuqa ka sii idlaanaysa badalkeedana aan la hayn. Si kasaba haddii aan la helin xal deg deg ah waxaa muuqanaysa dhibta shacabka danyarta ah inuu sii socon doono ayna suurtagal noqon karta in dad badan dabku ka damo maadaama awlaba shacabku la ciirciirayay saamaynta caabuqa Karona iyo shaqo la’aan baahsan oo dadka horey u haysay. Masuuliyiinta dawlada oo ayaa looga fadhiyaa siday wax uga qaban lahaayeen cabaqadan.