• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Dekedda Boosaaso oo dhaqan gelisay Canshuurta Dollarka

ByMadaxa Wararka

Dec 1, 2020

Masuuliyiinta Dekada Boosaaso gaar ahaan Costum-ka Canshuuraha ayaa saaka bilaabay in agabka Dekada ka degaya lagu canshuuro Dollar ka dib markii amar ka soo baxay Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni uu k faray Masuuliyiinta in hada ka dib Canshuurta Dowlada laga dhigo 100% lacagta adage e Dollarka.

Amarka dowlada ee qaadista Canshuurta Dekada Dollar ahaan ayaa waxaa ka dhashay in ganacsatada yaryar ee garab raratada ay saaka Xiraan goobaha Ganacsiga ee Magaalada Boosaso kuwaas oo walaac ka muujiyay in aysan qaadan Karin Shilling-ka Somali-ga maadama Dowladu qudheeda ay diiday inay ku qaado canshuurta Dekada.

Goobaha ganacsiga ee Suuqayada Puntland ayaa xiran kuwaas oo walaac ka qaba hadii ay qabtaan shillin-ka inay ku adkaan doonto halkee ay geyn lahaayene maadama dad badan oo ganacsatada ka mid ah ay dideen inay wax ku iibsaadaan. Geesta kalena Maamulka Puntland ma faahfaahin joojinta Canshuurta Dekada ee Shiling Soomaali-ga iyadoo keliya amar lagu soo saaray in la hakiyo qabashada Lacagtaas. Deegaanada Puntland waa mudooyinkan ka jiray deganaan la’aan dhinaca sarifka dollarka ah taas oo marba heer joogtay hase yeeshee xilligan ayaa noqday markii koowaad ee sarifku cirka isku shareero gaarana in 1 kii dollar lagu sarifo 50 kun oo shilling. Ganacstada ayaa Dowlada ugu baaqay in ay ka noqoto go’aankaas ay ku joojisay in dekeda canshuur ku qaado dollar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *