• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Madax Qaxootiga ee Qaramada Midoobey Mudane Grandioo oo sheegay in loo baahan yahay $150 malyan.

ByMadaxa Wararka

Dec 1, 2020

Madax Qaxootiga ee Qaramada Midoobey Mudane Grandioo booqasho ku tagay xarun qaxooti oo ku taala Sudan ayaa sheegay in loo baahan yahay $150 malyan oo doolar si loo la tacaalo qaxootiga ku soo qulqulaya Wadanka Suudan ee ka soo baxsanaya colaadka ka aloolsan Gobolka Tigrey ee Wadanka Itoobiya.

Suudaan ayaa hooy unoqotay ku dhawaad 43,000 oo Itoobiyaan ah tan iyo bilawgii colaad

Wadanka Itoobiya ay bilaabtay  4 Novembar 2020, waxaan celcelis maalin kasta ka soo gudba xadka labada dal dad tiradooda lagu qiyaasay 500 – 600 qof.

Suudaan oo gacamo walaltinimo u fidisay qatooxiga kusoo qulqulaya ayaa horey ula daal dhacaysay dhaqaale xumo iyo xalisooni daro siyaasadeed  ilaa markii xilka laga qaaday madaxwaynihii hore ee Cumar Xasan Albashiir April 2019.

Sida xog dawladu soo saartay lagu sheegay 65% dadka Suudaan oo lagu qiyaaso 43 malyan ayaa ku nool heerka fakhriga ka hooseeya, taas oo muujinaya inaysan qaadi karin dadka soo qaxaya loona baahan yahay in taageero calaami la la soo gaaro si wax looga qabto baahiyaha dadka soo qaxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *