• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Turkey-ga oo amray in la soo xiro Saraakiil taageersan Fethullah Gulen

ByMadaxa Wararka

Dec 1, 2020

Dowlada Turkey-ga ayaa si rasmi ah u amartay Xariga 82 qof oo ka tirsan Ciidamada Military-ga dalkaas kuwaas lag eedeyay inay taageerayaal u yihin wadaadka Xukuumada Ankara is hayaan ee Fethullah Gulen kaas oo xukuumada Ankara ku eedeysay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay Afganbigii fashilmay ee 2016-kii. Howlgalkan lagu beegsanayo kooxda taageersan Wadaadka Degan Mareykanka Fethullah Gulen ayaa socda muddo 4 sanno ah iyadoo dowlada Turkey-gu aaminsan tahay inuu ahaa qofkii abaabulay afganbigii 2016-kii kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 250 qof. Wadadkan ay doondooneyso Xukuumada Ankara Mr Gulen ayaa horey u beeniyay inuu ku lug leeyahay isku daygaas afgenbi ee fashilmay.

Howlgalkan Cusub ee lagu beegsanayo kooxaha lagu tuhmay la shaqeynta Fethullah Gulen ee 82 qof ah ayaa ka bilowday ilaa 39 Gobol oo ka tirsan dalka Turkey-ga waxaana ilaa hada gacanta lagu dhigay 63 ka mid ah sida ay soo werisay Wakaalada wararka Anadolu. Dacwad oogayaasha Turkley ayaa sidoo kale sheegay inay qaadeen talaabooyin kale oo ay ka mid tahay in 848 ka mid ah Saraakiisha amaanka shaqooyinka laga cayriyay, saraakiisha la cayriyay waxaa ku jira kuwo leh Darajooyin sare oo ciidamada ah kuwaas oo dhamaantood lala xiriiranayo Shabakada Gulen.  Tan iyo intii uu Fashilmay Afganbiga waxaa xabsiyada dalkaas lagu xiray tobanaan kun oo qof kuwaas oo ay ku jiraan shaqaalaha dowlada ,

ciidamo iyo dad kale halka qaar kalena shaqooyinkoodi hakad la geliyay, maxkamadaha dalkaas ayaa qaar ka mid ah eedeysanayaasha ku xukumay Xabsi daa’in qaarkalena weli waa xukun sugayaal. Dowlada Turkey-ga ayaa aaminsan in iskudaygaas iyo Shabakadan Gulan ay ka danbeeyaan Dowladaha reer galbeedka kuwaas oo raba inay ku dhex milmaan hay’adaha Dowladaha taas badalkeedana Xukumadu rabto inay ka saarto iskumilankaaas. Wadaadka Gulan waxaa uu dibad jog ahaan ugu nool yahay Wadanka Mareykanka gaar ahaan Pennsylvania tan iyo sannadii 1999-ki waxaana uu kulahaa gudaha turkey-ga Shirkado,Iskuulo iyo goobo kale oo aad u farabadan oo  iskugu jira Hay’addo maxali ah kuwaas oo dhamaan albaabada la iskugu dhuftay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *