Bal qiyaas haddii lacagtii Soomaaliga ahayd ee dawladeenii daabacday misna diiday oo badalna keeni wayday sidee xal noqonayaa? Lacagta Soomaaliga ee dadka ganacsatada u karooran oo waraaq si fudud lagu qoray looga dhigay waxaan shaqaynayn maxay ku galabsadeen???Gobolada kale ee Soomaaliya dawladnimada waa kaga horeysay Puntland, haya’ado dawladeed bay ka hordhisatay misna sicir barar kama jiro gobolada kale, sababtu maxay tahay?Sida dadki qaybtii ku hadal qabsanayaan Sahalka lacagta dollarka ee lagu isticmaalayo saamayntu haday tahay Koonfur oo dhan waxaa laga isticmaala EVC PLUS sida SAHALKA looga isticmaalo Puntland mana leh sicir barar, sababtu maxay tahay?Waxaa la oran karaa dhaqaale xumadaan sicir bararku hormuudka ka yahay waxay ka dhalatay saamayntii lacag daabacaada aan sida dheer looga fakarin ee Dawladii Cabdiwali Gaas.Waxaa kale oo loo tiirin karaa Dawlada oo dhaqaale kaydin iyo kharash dhimid wada oo lacagtii Dollarka ahayd qaybna xaraysanaysa oo ka saaraysa wareegii lacagta qaybna dibada ku isticmaalaysa safarada Madaxda. Ha ilaawin sicir bararku wuxuu salka ku hayaa isu dheelitir la’aan lacagta qalaad (Dollarka) & Soomaaliga sidaas darteed haddii lacagta canshuuraha ee dawladu qaado ee Dollarka u badan ay dawladu wadanka gudihiisa ku kharash garayn waydo inteeda badan waxaa suuqa ku dhacaya isu dheelitir la’aan lacagaha suuqa sarrifka ku jira.Sidaas darteed suuragal & xal waara midna u noqonmayso daawo sicir bararka ku socda lacagta Shilin Soomaaliga ee dawlada waa u haboon inay guddi dhaqaalaha ah oo khibrad iyo aqoon fiican uleh faraha uga qaado xalka lagu dajin karo sicir bararkan.
Qormadan waxay ku qotontaa fikirkayga gaarka ah waa jirin karaan xalal kale ee hadaad hayso nala wadaag.
Qalinkii: Ustaad Sharmarke Abdullahi Ali, Madaxa Xarunta Horumarinta Ganacsiga & Waxbarashada ee Capital Care.