• Fri. May 26th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Sacuudiga & Masar oo ka digay faraglein lagu sameeyo arrimaha Carabta baaqna ka soo saaray

ByMadaxa Wararka

Dec 2, 2020

QAAHIRA —Gudiyo wadatashi ay kala hogaaminayeen wasiiro arrimo dibadeedyada Dowladaha Masar iyo Sucuudiga ayaa si wadajir ah udiiday iskudayda la doonayo in lagu carqaladeeyo xasiloonida iyo nabadgeliyada arrimaha  bariga dhexe. Waxaana war murtiyeed ay labada dal si wadajir ah usoo saareen lagu sheegay in loo baahan yahay in arrimaha khuseeya dalalka carabta looga dambeeyo Jaamacadda Carabta, isla markaana laga hortago faragalita shisheeye ee ay wadaan dawladaha kale iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah.

Gudiyada labada dal bayaanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in muhiimada ay leedahay in la hubiyo xoriyada socdaalka ee badda Carabta Baabul Mandab iyo badda Cas iyo in la diido iskuday kasta oo lagu carqaladaynayo marinada biyaha ee dawladaha Khaliijka,  intii ay socdeen wada hadalada gudigan labada dhinaca ka kooban ayay dawlada Sucuudigu sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay dadaalada ay wado Masar ee ah in heshiis laga gaaro muranka biya xireenka Itoobiya ay wado si loo ilaaliyo amaanka biyaha Masar maadaama ay tahay Masar  mid muhiim u ah arrimaha Carabta, dawlada Sucuudiga waxay aaaminsan tahay in la xoojiyo amaanka Wadamada Afrika iyadoo la galayo wadahadal udhexeeya dhinacayada ay khusayso wabiga Niil si loo gaaro heshiis qanciya dhinacayada oo dhan ayaa lagu yiri war murtiyeedka ay soo saareen gudiga labada dalk.

Sidoo kale Dawlada Masar ayaa sheegtay inay diidan tahay weerarka kasta oo lagu Khalkhal gelinayo amaanka dhulka boqortooyada Sucuudiga, maxaa yeelay waxay qayb muhiim u tahay dawlada Sucuudiga amniga Masaarida.

Labada dhinaca ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada dhulka Liibiya, waxayna diideen faragelinta shisheeye ee lagu Khalkhal gelinayo xaalada gudaha iyo mida gobolka oo dhan, labada dal waxay iskuu raaceen in khilaafka lagu xaliyo heshiisyadii Baarliin iyo baaqii Masar iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga iyo inay taageerayaan dib udhiska wadanka Liibiya.

Sidoo kale baaqa labada dhinaca ay soo saareen ayaa lagu sheegay in qadiyada Falastiin ay muhiim tahay in lagu xalyo wada hadal si loo helo dawlad Falastiin ah oo caasimadeedu tahay Qudus iyadoo lagu salaynayo hindisaha go’aanada Carabta iyo go’aanada Caalamiga ah. Hadafka war murtiyeedkan ayaa ay soo wada sareen Masar iyo Sacuudiga, oo ay wehliyaan Imaaraadka iyo dalalka ayaa xulufo ku ah gobolka ayaa looga soo horjeeda dalal ay ka mid yihiin Qatar iyo Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *