War ay soo saartay Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegatay in ay gacanta ku dhigtay mid ka mid ah saraakiishii sarsare ee Ismaamulka Tigray ee Dalka Itoobiya ee dhawaan laga qabsaday Magaalo Madaxda Maamulkooda ee Makelle.
“Mid ka mid ah sagaalka xubnood ee Golaha dhexe ee TPLF oo lagu magacaabo Keria Ibrahim ayaa isku dhiibtay Ciidamada Federaalka Itoobiya” sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay Barta Ciidanka Howlgalka ka wada Gobolka Tigray.
Haweeneydan Keria Ibrahim ayaa ahayd Afhayeenkii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee loo yaqaan house of federation,
Keria Ibrahim ayaa xilka iska casishay 9-kii June ee sanadkan kadib markii ay ka saluugtay dib u dhigii doorashada Itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August sanadkan taas oo loo arko in ay ahayd ubucda qilaafka dowlada dhexe iyo TPLF.
Hogaamiyaasha Kooxda TPLF ayaa horey wacad ugu maray inaysan isku dhiibi doonin ciidamada federaalka ee Abiy Xukumo iyago taa badalkeeda balanqaaday inay la dagaalami doonan ciidamada Dowlada Dhexe oo ay u aqoonsan yihiin kuwo soo duulay.
Sheegada Xukuumada Addisababa ee ah in Keria Ibraahim uu isku soo dhiibtay Ciidamada Federaalka ma jirto jawaab laga hayo dhinaca TPLF oo ay arinkan kaga hadleen sidoo kale ma jirto il madax banana oo xaqiijin karta sheegadan maadama weli Gobolka ay ka maqan yihiin Telfoonka iyo Internet ka.
Xukuumada Abiy Axmed ayaa markii ay qabsadeen Magaalada Mekelle waxay sheegeen inuu dhamaday howlgalkii Gobolkaas balse ay baacsi ku hayn doonan in cadaalada la hor keeno hogaamiyaashi TPLF.