Mid ka mid ah diyaaradaha shirkada Air Djibouti oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa waxyeelo ku soo gaartay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Xarunta Puntland.
Diyaarada oo ka soo kicitintay Magaalada Jabuti ee Xarunta dalkaas ayaa markii ay soo gaartay Garoonka garoowe waxaa qarxay mid ka mid ah taayirada diyaarada kaas oo sababay in diyaaradu baalka ama dhinac dhigato dhulka gudaha Runway-ga Garoonka sida goobjoogayaashu ku waramayaan.
Ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray rakaab diyaaradaas la socday marka laga reebo waxyeelada soo gaartay diyaarada dhamaan rakiib la socday ayaa si nabad ah uga soo degtay diyaarada oo hada ku xaniban dhabaha diyaraadaha (Runway).
Shaqada Garoonka Garoowe ayay saameyn ku yeelanysaa Diyaarada waxyeeladu soo gaartay maadama aysan hada sahlaneyn in si degdeg ah wax looga qabto waxyeeladaas soo gaartay diyaarada. Waa markii koowaad oo garoonka diyaaradaha Garoowe ay diyaarad shil ku gasho, xilligan waxaa lagu howlan yahay sidii xal loogu heli lahaa in garoonka shaqadiisa ay caadi ku soo noqoto ama in diyaaradaha ka degi lahaa Garoowe loo weeciyo Magaalada Boosaaso.