• Sun. May 28th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Duqeyn lala beegsaday Warshad uu Shiinaha maalgeliyay oo ku taala Gobolka Tigray

ByMadaxa Wararka

Dec 3, 2020

Shiinaha ayaa 630 ka mid ah muwaadiniintiisa ka daad gureeyay gobolka ay colaaduhu saameeyeen ee Itoobiya ee waqooyiga gobolka Tigray kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka ah, Guancha, sida lagu daabacay oo bogga caan ah oo dowladda taageera.

Qaraxyadu waxay ku dhufteen goobo ay degan yihiin dad rayid ah iyo sidoo kale burburinta goobo ahaa kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jirtay warshad sonkor ah oo Shiinuhu maal-galiyo, ayay warbixintu tiri, iyadoo intaas ku dartay inaysan jirin cid wax gaadheen
Toddobaadkan dhammaadkiisii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii socday muddada billaha ah, isagoo sheegay in duqeymaha cirka aysan bartilmaameedsan doonin goobaha rayidka
Hogaamiyaasha gobolada Tigray, oo Mr Abiy ku eedeynayo khiyaano qaran, ayaa sheegay in dagaalku wali soconayo inkasta oo uu sheeganayo guul dhankiisa.
Waxaa jira mashaariic dhowr ah oo Shiinuhu ka maal-galiyo gudaha Itoobiya iyadoo qaar badan oo Shiine ah ay ka shaqeeyaan goobaha warshadaha ee Tigray.
Colaadda Tigray ayaa ku soo beegantay iyadoo la jaray isgaarsiintii internetka iyo taleefannada gacanta. Waxay sidoo kale horseedday yaraanshaha sahayda aasaasiga ah ee suuqa maxalliga ah.
Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay wanaagooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *