• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Xadiiska 1aad ee Arbiciinka Baro

ByMadaxa Wararka

Dec 3, 2020

Miisaanka Camalka Waa Niyada: Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli Noqdee inuu yiri: ”Waxaan maqlay Nebiga (scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuul kiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guur keeda, isna waxaa lagu abaal marinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud”. [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Kowaad

Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tagoo o lagu biro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xurriyad ah.

Faa’idada xadiiska:

  1. Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
  2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan’
  3. Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
  4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsana ku dara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduunku hel, ama halagu a mmaano ee magac iyo maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Illaahay waxba ka sugi maayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *