• Sun. May 21st, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Xog laga helay militarigii Itoobiya ee ay TPLF afduubteen

ByMadaxa Wararka

Dec 4, 2020

Tani iyo markii uu dagaalka ka billowday deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa adkeyd in la helo xog rasmi ah oo ku saasban waxa ka socda gudaha Tigray maadaama ay taleefannada iyo interneetkaba go’an yihiin.

Toddobaadyo ka horna guddoomiyaha TPLF Dr Dabretsion Gabre-Michael wuxuu sheegay iney qabsadeen in ka badan 10,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dowladda Federaalka Itoobiya.

Dhinaca kalana, dowladda dhexe ee Itoobiya waxay sheegtay 7,000 oo askari oo ka mid ah ciidamada ay xoogagga TPLF qafaasheen iney soo badbaadiyeen. Halka marki ay ciidamada dowladda dhexe magaalada Maqale qabsadeen kaddib xoogagga TPLF ay sheegeen ciidamadi federaalka ee ay qabsadeen iney sii daayeen.

Balse weli ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheekashada labada dhinac.

Boqollaal askari oo ka mid ah ciidamadi ay qafaasheen xoogagga TPLF waxay maalma ka hor soo gaareen Waghimra iyo Semen Gonder oo ka tirsan deegaanka Amxaarada.

Haddaba ciidamadi dhowrka toddobaad gacanta booliska gaarka ah ee Tigraay gacantooda ku jiray ayaa ka war bixiyay wixii dhacay iyo xaaladdi ay ku sugnaayeen.

Alifle Abrahm Baaye

Abraham uxuu sheegay 22 maalmood inuu gacanta TPLF uu ku jiray balse uu sheegi Karin ciidamada dableyda u badan oo isaga ka hooseeyey xaaladdooda waxa ay ku sugan yihiin.

“Xilli ay saacaddu mareysay 12-ki saqdi dhexe ayaan maqlay xabbaddii ugu horreysay, markaasaan hurdada ka soo boodaay, hurdada markaan ka toosay waxaan ka warhelay rasaas aan kala joogsi laheen oo dushannada ka dhaceysa iyo booliska iyo maleeshiyaadka Tigraay oo na hareereeyey.”

Wuxuuna Abraham intaasi ku daray ciidamadi kale ee xerada ku sugneedna xabbaddi ku billaabatay 2-di habeennimo ilaa iyo 4-ta subaxnimo iney socotay, ciidanki dowlada ee dagaallamayayna maadaamaa ay rasaasti ka dhammaatay bakhaarki hubkana laga qabsaday waddada u furneyd ay ahayd iney isdhiibaan.

“Rag badan oo saaxibbadeen ah dagaalkaasi markay ku dhinteen kaddib ayay xoogagga TPLF na qabsadeen, 10,000 askari oo ciidamada Federaalka ah ee ay qabsadeenna waxay geeyeen Jaamacadda Axum, kaddibna waxay u sii qaadeen Abi-Cadhii, gantaallada marka ay ridayeenna waan arkeynay, ugu dambeyntina waxay na sii daayeen maalinti ay ciidamadu magaalada Maqale qabsadeen” ayuu yiri.

“Xaaladda aan ku jirnay waxay ahayd mid adag, wadda noo furan oo aan eheen wixi sameeya ay na dhahaan inaan sameyna aheen ma jirin, xagga ragga dhaawaca ahaa ee nala socday fursad aan ku daweyno xataa uma helin” ayuu yiri.

Alifle Ibraahim Xasan

Ibrahim Xasan oo BBC u warramay wuxuu isna sheegay 4-tii November wixi dhacay marnaba inuusan ku fikirin iney ku dhacayaan ciidamo 20 sano u joogay ilaalinta iyo badbaadinta shacabka Tigraay.

“Xilli ay ciidamadu howl maalmeedkooda ka soo laabteen oo ay guriyahooda u hurdo tageen saacaddu marka ay mareysay 5:30 waxaa billaawday rasaas, markiba waxaan aragnay ciidan nagu hareereysan oo nagu leh gacmaha kor u taaga, qoryahana keena” ayuu yiri.

“Kaddibana markaan aragnay ciidanka inuu nagu hareereysan yahay xeradina ay gacantooda ku jirto ciidamadi saaxibbadeen ahaa qaarkoodan ay maleeshiyaadka TPLF ay la safteen ayaan isdhiibnay waxayna na geeyeen magaalada Cadagaa-Xamuus, kaddibna Abiy-Cadhii ayey noo wareejiyeen.”

Ibraahim waxaa kale uu sheegay muddadi ay TPLF gacanta ugu jireen gaajo iyo harraad ba’an inuu la soo dersay oo wax daryeel ah ay helin oo hal Rooti qallalan maalinti oo dhan raashiin ahaan loo siinayey.

“Ugu dambeynti waxay na kala doorransiiyeen inaan ciidamada TPLF ku biirno, inaan deegaanka Tigraay si nabad ah ugu noolaanno innaga oo shacab ah ama aan gobolladi aan ka nimid aan ku noqonno, waxaanna doorannay inaan gobolka Tigraay ka soo dhaqaajinno” ayuu yiri Alifle Ibraahim Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *