Si aan uga fahano isticmaalka Soomaalida ee lacagta qalaad, waa inaan milicsanaa wixii ka horeeyey dawladnimada Soomaaliya. Sidda la wada ogyhay, Soomaalidu waxay ahayd—welina tahay—dad reer guuraa ah, hantina waxaa u ahaa xooleheeda. Geelu wuxuu ahaa kan ugu qaalisan xoolaha soomaalida. Waxaa loo isticmaali jiray in wax lagu kala beddesho. Waxaa kaloo loo isticmaali jiray in lagu bixiyo magta iyo meherka. Wuxuu calaamad u ahaa qaninimo, oo ninba ninkuu ka geel badnaa wuu ka hodonsanaa. Waxaad ka garanaysaa qiimaha uu Soomaalida u lahaa oraahda ah “Geel waa geel, wixii gooyaana waa geel”.
Soomaalida, khaasatan kuwooda xeebaha degan, waxay ganacsi xoogan la lahaayeen bulshooyin kala duwan, taasi waxay keentay in xeebaha laga isticmaalo lacago kala duwan oo qalaad, maadaama aysan Soomaalidu waqtigaas lacag lahayn. Wixii ka horeeyey 10kii Abril 1961, oo ahayd markii Shilin Soomaaliga loo aqoonsaday lacagta waddanka, waxaa dalka laga isticmaali jiray lacago badan oo ay kamid ahaayeen: Italian Lira (ITL), East-African Shilling (XEAS), Indian Rupees (INR), Egyptian Piastre (EGQ). Lacagahaas waxaa laga isticmaali jiray meelo kala duwan oo dalka ah yadoo midiba ay mid nasakhday, ilaa laga soo gaaray samayntii shilinka soomaliga ah.
MAXAA KEENAY DOOLARAYNTA DHAQAALAHA SOOMAALIYA?
Kaddib burburkii dawladdii dhexe 1991-dii, waxaa burburay bangigii dhexe ee wadanka, taasoo burburisay nidaamkii maaliyadeed ee waddanka. Waddanku wuxuu u doolaroobay si aan rasmi ahayn. Doolarka Maraykanka ayaa noqday lacagta wax lagu kala gato. Sida uu ku doodayo Maxamed Ibraahim Nuur, oo maqaal cinwaankiisu ahaa ‘THE EFFECT OF DOLLARIZATION ON DEVELOPING ECONOMIES: LESSONS FROM SOMALIA’S INFORMAL MARKET ‘ daabacay bishii May 2012 kii, Sababta doolarku uu Soomaaliya uga yahay lacagta wax lagu ka beddesho waa:
1. Kalsoonidii ay dadku ku qabeen lacagta Soomaaliga oo burburtay sababtoo ah nuglaanta ay u nuglaatay in la sameeyo lacag been abuur ah, maadaama aysan jirin cid kantaroosha lacagta.
2. Shilin Soomaaligu wuxuu la kulmay hoos u dhac aad u weyn ilaa iyo intuu biloowday dagaalka sokeeye, taasi waxay sababtay in dadku qaataan lacag aad u badan markay rabaan inay wax soo gataan, taasoo adkaatay maadaama xaaladda ammaan ee dalku aysan fiicnayn.
3. Waxaa jirta baqdin laga qabo sii jiritaanka shilinka soomaaliga ee waqtiga dheer, maadaama aysan jirin cid kantaroosha, kormeerta ama ilaalisaba shilinka. Doolarku wuxuu ahaa lacagta wax lagu kala gato dhawr iyo tobankii sano ee u dameeyeyba.
Soomaaliya waxay hadda isu diyaarinaysaa inay daabacdo lacag cusub- markii ugu horaysay 27 sanno—si loo xakameeyo lacagta beenabuurka ah, loona soo celiyo kalsoonidii dadku ay ku qabeen lacagta waddanka. Bangiga dhexana uu u bilaabo inuu fuliyo siyaasaddii lacagta.
LACAGTA TELEEFANKA IYO DOORKEEDA DOOLARAYNTA
Waxaan shaki ku jirin in waxa ugu weyn ee fududeeyey doolarawga dhaqaalaha waddanku ay yihiin shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegga lacagta moobilka (Mobile money). Soomaaliya waxay kamid tahay waddamada uu aadka uga hanaqaaday adeegga lacagta moobilka. 155 milyan oo wax isdhaafi, oo qiime ahaan dhan $2.7 billyan ayaa bil kasta ka dhaca Soomaliya. Isticmaalka lacagta taleefanku waxay meesha ka saartay adeegsigii lacagta warqadda. In kabdan 70% dadka qaangaarka ah ee Soomalidu waxay si joogto ah u isticmaalaan lacagta moobilka. Soomalida badankeedu waxay leeyihiin taleefanno—dadka ka weyn da’da 16ka sanno, 10-kii qofba sagaal kamid ah ayaa leh taleefon.
MAXAA SABABAY IN AAD LOO ISTICMAALO LACAGTA MOOBILKA?
1. 60% dadka soomaalida ahi waa reer guuraa, Sidaas awgeed dadku waxay doorbidaan inay lacagtooda taleefan ku qaataan si ay ugu adeegtaan meel walba oo ay tagaan.
2. Baqdinta laga qabo lacagta been abuurka ah.
3. Maqnaanshaha Habsiyaasadeedka lacageed, yaraanta bangiyada caadiga ah, ayaa iyana ka dhigay lacagta moobeelka mid aad loo isticmaalo.
Waxaa jira shirkado dhawr ah oo bixiya adeegga lacagta moobilka lagu qaato. Waxaa kamid ah:
1. Golis: Waxay ka shaqaysaa deegaannada Buntilaan waxayna bixisaa adeegga Sahal. Wuxuu ku shaqeeyaa kaliya doolarka Maraykanka.
2. Telesom: Waxay ka shaqaysaa Soomaalilaan, waxayna bixisaa adeegga ZAAD. Wuxuu ku shaqeeyaa lacagta Doolarka iyo Soomaalilaan shilin.
3. Hormuud: Waxay ka shaqaysaa koonfurta iyo bartama Soomaaliya, waxayna isticmaashaa lacagta Doolarka Markaykanka oo kaliya.
Shirkadda Somtel aya iyana bixisa adeeg la yiraahdo E-dahab. Inkastoo uusan caan u ahayn sida saddexda kore.
SAAMAYNTA DOOLARYNTU KU YEELATAY DHAQAALAHA WADDANKA.
Saamaynta ay doolarayntu ku yeelatay dhaqaalaha Soomaaliya waxay u badantahay mid togan. Faa’iidada ugu weyn ee doolarayntu yeelatay waa inay yaraysay khatartii sicirbararka. Wadanku markuu doolaroobo wuxuu heerkiisa sicirbarar lamid noqdaa ama u dhowaadaa heerka waddanka lacagtaas iska lah, sababtoo ah waxaa jirta kalsooni ah in heerka sicirbararka ee lacagta wadankaasi ay aad u hoosayso. Tusaale,lacagta Maraykanka.
Maadaama burburkii dalku keenay in uu burburo bangigii dhexe ee dawalddu, ayna luntay kalsoonidii lagu qabay lacagtii waddanku, maada ay aad hoos ugu dhacday, dadku waxay u baahdeen inay isticmaalaan lacag degan. Maadaama aynu qabatinay isticmaalka doolarkana, waxaynu dhabarka saarnay lacagta waddan siyaasadiisa dhaqaale fadhido.
Faa’iida darrida ugu weyn ee ay doolarayntu ku leedahay dhaqaalaha Soomaaliya, waa in uusan Bangiga dhexe ee Soomaaliya awood u lahayn inuu maamulo habsiyaasadeedkiisa lacagta. Isticmaalka lacagta doolarku waxay ka dhigantahay in aysan dawladdu gacan ku hayn mid kamid ah labada habsiyaasaddeed ee dawladduhu dhaqaalaha ku maamulaan.
Maxamed M.Yusuf