Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalada weli ka socda meelo badan oo ka mid ah Gobolka Tigray ay dib u dhac ku keenayaa dadaalka la doonayay in gargaar bini’aadnimo lagu gaarsiiyo qoysaska ay saameysey xaalada colaadeed ee Gobolkaas. Hadalka QM ayaa imanaya xilli dowlada Itoobiya ay horey u sheegtay inay soo gabagabeysay howlgalka Gobolka Tigray waxaana xilligan gobolkaas u baahan yahay gargaar balaaran oo la gaarsiiyo dad badan sida cuno iyo dawooyin lagula tacaalo xaaladaha Caafimaad.
Mid ka mid ah saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in aysan weli hirgelin heshiiskii ay QM iyo Dowlada itoobiya gaareen kaas oo ahaa in gargaarka biniaadanimo la gudbiyo iyadoo uusan la kulmin dib u dhac iyo hakin goobaha ay dowladu maamusho. Qaar ka mid ah dadka degan Magaalada Mekelle ayaa u sheegay warbaahinta madaxa banana in dagaalo ay weli ka socdaa meelo u dhow caasimada kuwaas oo u dhaxeeya ciidmo daacad u ah kooxdii TPLF iyo ciidanka Federaalka kuwaas oo muddo ku dagaalamayay Gobolka Tigray.
Wasiirada la hadlay warbaahinta ayaa geestiisa beeniyay wararka sheegaya in dagaalo weli ka socdaan Gobolka Tigray waxaa uu yiri ma jiro wax dagaalka ah oo xilligan ka socda halkaas dhinaca kalena sarkaal u hadlay TPLF ayaa xaalada Magaalada Mekelle ku tilmaamay mid kacsan. Dad badan oo xiisada Dagaalka uga qaxay Gobolka xiisaduhu ka taagan yihiin ee Tigray ayaa waxaa uu wajahayaan xaalado adag sida horey ay u sheegeen Sarakiisha UN-ka waxaana dadkaas qaarkood ay dageen xeryo barakac oo ku yaala Dalka Suudaan welina ma jiro gargaar u gudbay Gobolka oo dadkaas lala gaaray.