• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Madaxweynaha Trump oo amaray in Ciidamada ka jooga Soomaaliya laga soo saaro.

ByMadaxa Wararka

Dec 5, 2020

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay waaxda difaaca mareykanka in ay dib u dejin u sameeyaan Ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Dalka Soomaaliya bilowga sannadka 2021 sidoo kale waxaa uu amray in qalabkooda laga soo raro gudaha Soomaaliya.

Amarka madaxweynaha waxaa lagu sheegay in mareykanka uusan faraha ka laaban arimaha Africa waxaase lagu xusay in ay la sii shaqeyn doonan saaxiibadooda Afrika iyadoo wadashaqeynta iyo taageerada la marsiinayo nidaam dowladeed.

Warka Trump waxaa lagu xusay in Isbadelkaani aanu ahayn mid ah in siyaasadii Mareykanka ay is badeshay balse waxaa la xusay in ay mar walba wadayaan wadashaqeynta iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagaxisada kuwaas oo khatar ku ah guud ahaan caalamka ayaa lagu xusay warka dowlada Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka qaarkood waxaa laga yaabaa in dib loogu meeleeyo meelo ka baxsan Bariga Afrika halka qaarka kalena laga yaabo in fariismo looga dhigo dalalka deriska la ah Soomaaliya kuwaas oo mararka qaar ogolaanaya in ay xuduudka ka talabaan si loo wada fuliyo howlagalada ka dhanka ah ururada Argagaxisada ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa xustay inay wadi doonto dadaalka dhinaca amniga ee Soomaaliya islamarkaasina ay bixin doonto digniinaha iyo khataraha amni ee la xiriira kooxaha xagjirka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *