Shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa wax ka badel ku sameysay nidaamka lacag dirista adeega sahal ka dib markii dhawaan Puntland ay soo saartay amar ah in hal dollar iyo wixii ka yar aan lagu diri Karin adeega lacagta Electerooniga ah ee Saha,l talabadaas ayaa ah in wax ka badel looga sameeyo sarifka lacagta shilin oo qiimaheedu aad hoose ugu dhacay.
Deegaanada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa isbadel xoog leh ku dhacay qiimaha sarifka Dollarka iyo shillin-ka soomaaliga taas oo sababtay in qiimaha 1 dollar uu gaaro ku dhawaad 50 kun soo shilling.
Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeedo in uu Meesha ka baxdo lacagta shilling soomaaliga taas oo ah lacagta keliya ee hada dalka intiisa badan ka shaqeysa.
Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa qaaday talaabooyin dhowr ah kuwaas oo ay ka mid tahay in wax ka badel lagu sameeyo Adeegyada lacagaha Mobile-ka lagu shubto kuwaas oo laga dhigay in dadku isku diri karaan waxna ku iibsan karaan wixii ka badan 1 dollar balse qofku u baahan yahay wixii ka yar hal dollar inuu isticmaalo lacagta shilling Soomaaliga.
talaabadan oo bilow ah hada Ayaan la ogeyn sida ay wax uga badeli karto suuqa maadama ganacsatada qaarkeed ay diideen qaadashada shillingka soomaaliga taas oo ay u sababeeyeen ka dib markii wareegto ka soo baxday arbacadii todobaadkii tagay Puntland ay ku joojisay in canshuurta dekada Boosaaso lagu qaado Shilling.