• Sun. May 28th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

W.Arrimaha Dibada Sucuudiga oo Sheegay in heshiis laga gaaray godoomintii Qatar.

ByMadaxa Wararka

Dec 5, 2020
Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain and Egypt imposed a diplomatic, trade and travel boycott on Qatar on June 5, 2017 [File: Manuel Balce Ceneta/Pool via Reuters]

Wasiirka arimaha dibada ee Sucuudiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis iyo si afgarad laga gaaro wadahadalo la doonayo in lagu xaliyo xiisad ka dhex taagneyd dalal Khaliijka kuwaas oo cunaqabteyn saaray Dalka Qatar sannadkii 2017-kii. Hadalka Boqortooyada aaya yimid xilli ay mudooyinkan socdeen dadaalo ay garwedeen ka tahay Dowlada Mareykanka oo ay kaabayaan dowladaha Gobolka qaarkood sida dalka Kuweyd kuwaas oo wada qorshe la doonayo in xiisadaas lagu soo afjaro.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt Sheikh Ahmad Nasser al-Sabah ayaa jimcihii sheegay in horumar laga gaadhay xallinta khilaafaadka laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo wax guul ah oo laga gaadhay khilaafka. “Wadahadal midho dhal leh ayaa dhacay dhawaan kaasoo dhamaan dhinacyadu muujiyeen sida ay u doonayaan in heshiis rasmi ah laga gaaro,” al-Sabah ayaa ku yiri hadal uu ka akhriyay TV-ga Kuwait, isagoo uga mahadceliyay lataliyaha sare ee Aqalka Cad Jared Kushner dadaaladiisii ugu dambeeyay. Dowlada Qatar ayaa geesteeda Bayaan ay soo saartay waxay uga mahadcelisay Dowlada Kuweyd dadaalka ay gelineyso Xalinta Khilaafka dowladahan kuwaas oo tan iyo 2017 aan gaarin dadaal heshiis lagu yahay dadaalo kuwan ka horeyay ayaa guul daro ku dhamaatay.

Dalalka kala ah Bahrain, Masar, Imaaraadka Carabta iyo sucuudiga ayaa dalka yare e Qatar geliyay godoomin dhan walba ah sannadkii 2017-ki waxaana tan iyo xilligaasna lam gaarin dadaal miro dhal ah oo arinta lagu xaliyo balse xilligan dadaalo ay bixinaya khuwado uu mareykanku ka mid yahay ayaa u muuqda kuwo xiisada xalinaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *