• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

QM oo aqbashay dalab ay soo gudbisay Dowlada Soomaaliya

ByMadaxa Wararka

Dec 6, 2020

Danjire Abuukar Baalle oo ah danjiraha Soomaaliya ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in ay Golaha amaanka u gudbiyeen dalab ah in Meesha laga saaro guddiga xiriirka iyo ka hortaga burcadeed soomaaliya taas badelkeedana kharashka guddigaas ku baxa oo farbadan lagu dhiso ciidanka badda ee Soomaaliya maadaama xilligan aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin khatarta burcada badda. Danjire Abuukar ayaa sheegay in Gollaha Ammaankan ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay in uu aqbalay in dib uu eegis ku sameeyo hawlaha ay qabtaan guddigaas, sanad kadibna la isla eegi doona, haseyeeshee guddiga xiriirka ka hortagga burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayuu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo sii wadi lahaa hawshaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in kharashka guddigaas lagu bixiyo lagu dhiso ciidamada badda Soomaaliya kuwaas oo ka hortagi lahaa danbiyada burcadbadeednimada, maraakiibta qashinka ku shuba xeebaha iyo kuwa sharci darada u qaata kaluunka Soomaaliya. Guddigan ay hadda DF dalbaneyso in la hakiyo shaqadiisa ayaa waxaa uu biloowday 10 sanno ka hor waxaana uu ahaa in wargelin iyo xiriirinta howlaha xeebaha soomaaliya ka socda uu ka shaqeeyo xilligaas oo ay burcad badeedu awood badan u lahaayeen inay qafaashaan maraakiib badan oo u kala goosheysa dunida.

Dhaqaalaha guddigaas uu helay tan iyo markii la aasaasay waxaa xabsiyo looga dhisay dalalka Tanzania, Kenya iyo Seychelles, dowlada Soomaaliya ayaa ku doodeysa in xilligan ay awood buuxda u leedahay maxkamadeynta danbiyadda burcad badeeda islamarkaasna ay rajo weyn ka qabto in kharashaadka guddigaas iyada loo soo weeciyo. Dowlada Soomaliya ayaa hadda si rasmi ah u hor istaagtay kharshaadkii ay heli jireen guddigaas waxaana adkaandoonta inay sii shaqeeyaan sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *