• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Mid ka mid ah Amiirada Caanka ah ee Sucuudiga oo dhaleyn u jeediyay Israiil

ByMadaxa Wararka

Dec 7, 2020

Amiir Turki al-Faysal ayaa isaga oo ka qeybgalaya Shirka wadahadalada Banama waxaa uu si kulul u dhaleeceyay Israil iyadoo uu shirka ku jiro Wasiirka Arimaha Dibada ee Israil.

Amiir Turki ayaa hadalkiisa ku furay isbarbar dhiga waxa uu ku tilmaamay aragtida Israel ee ah in ay yihiin “kuwa nabadda jecel oo ilaaliya mabaadi’da sare ee akhlaaqda” iyo waxa uu ku tilmaamay xaqiiqada fog ee mugdiga ah ee ay Falastiin ku hoos nool yihiin waxa uu ugu yeeray “gumaysiga reer galbeedka”.

Israel waxa ay “ku xirtay (Falastiiniyiinta) xerooyin go’doonsan iyadoo lagu haysto eedo amniga oo aan jirin – dhalinyaro iyo waayeel, haween iyo rag, kuwaasoo halkaas ku qurmaya iyagoo aan helin caddaalad,” ayuu yiri Amiir Turki.

“Waxa ay u duminayaan guryaha sida ay doonaan wayna khaarajinayaan cidda ay
Amirkan Sucuudiyaannka ah ayaa shirka ugu qeybgalayay Qaabka online ayaa imanaya xilli Israa’iiliyiintu ay soo dhaweyn diiran kala kulmayaan mas’uuliyiinta dalalka Bahrein iyo Imaaraatka Carabta, kadib heshiisyo ay ku hagaajiyeen xiriirkooda.

Si kastaba, arrinta aan heshiisyadaasi lagu xallin ayaa ah khilaafka tobannaan sano u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta. Falastiiniyiinta waxa ay u arkaan heshiisyadaasi mindi ay walaalohood Carbeed dhabarka kaga dhufteen iyo khiyaano lagu sameeyay qaddiyaddooda.

Amiirka ayaa ku celiyey mowqifka rasmiga ah ee boqortooyada Sacuudiga ee ah in xalka uu ku jiro hirgelinta Hindisaha Nabada ee Carabta ee sanadkii 2002-dii, hindisahaasi oo Sacuudigu maal-geliyay, islamarkaana ugu baaqayay Israel in ay xiriir buuxa la yeelato dhamaan dowladaha carabta, taa bedelkeedana la yagleelo dowladda Falastiin oo ka talisa dhulka ay Israel ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *