• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo Muqdisho ka furmay

ByMadaxa Wararka

Dec 7, 2020

Raysul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta furay shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay ka qeybgaleen Madaxda Federaalka, deeq bixiyaasha, Madaxda Maamul goboleedyada iyo Bulshada Rayidka. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray marxalada xilligan ee doorashada iyo sidoo kale waxyaalaha qabsoomay mudooyinkii u danbeeyay gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo dib u eegsita Dastuurka Soomaaliya.

RW Rooble ayaa waxaa uu sheegay in muhiimada kowaad ay siinayaan Qabsoomida Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan Heshiisyadii Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee ay wada gaareen Madaxda Federaalka iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyadoo xooga la saarayo kaalinta hawenka oo ah 30%.

Geesta Kale Raiisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha xukuumadiisu ay qabatay mudadii koobneyd ee ay joogeen ay meel wanaagsan mareyso waxaana uu xusay in mudada kooban xaaladaha ay ka shaqeeyeen ay qeyb ka ahayd deyn cafinta, dadaalka lagu bixinayo ka hortaga Xanuunka Covid19, Ayaxa ku habsaday Beeraha iyo Duufaantii Gati ee ku dhufatay Deegaano ku yaala Puntland.

RW Rooble ayaa sheegay in ay qabanayaan Shir ay yeeshaan Madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo looga hadlayo Arimaha Doorashooyinka oo hada aan la bilaabin dib u dhacna uu ku yimid jadwalkii doorashada ee horey loogu balamay.

Kulanka waxaa iyagana ka qeybgalay Madaxda Maamul Goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo aan weli magacaabin qaar ka mid ah gudiyada Doorashada ee lagu balamay waxaana ay shirka si wada jir ah uga xuseen in Gobolka Gedo lagu celiyo Gacanta Maamulka Jubaland maadama xilligan Gobolkaas ay Joogaan Ciidamada Federaalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa geesta kale waxaa uu soo hadal qaaday tabashada ka jirta guddiga Doroashada ee Somaliland waxaana uu xusay inay muhiim tahay in laga talo geliyo dhaman siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi.

Kulanka Maanta ee Shirka Iskaasiga Soomaaliya Beesha Caalamka oo inta badan ay Madaxda Maamul Goboleedyada uga qeybgaleen qaab online ah ayaa waxaan lagu soo qaadin Tabashada Musharaxiinta ee ku aadan inay diidan yihiin guddiga doorashada. Amb, James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa geestiisa ugu baaqay ka qeybalayasha shirka in Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya inay Heshiis ka gaaraan arimaha Doorashooyinka xilligaan oo muran u ka taagan yahay waxaana uu aad ugu nuuxnuuxsaday in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay. Madaxda kulanka ka qeybgashay sida madaxda Federaalka Madaxda Maamul goboleeyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *