• Thu. Mar 30th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Koox hubeysan oo weerar ka geystay Iskuul ku yaala Nayjeeriya

ByMadaxa Wararka

Dec 13, 2020

Koox hubeysan oo loo badinayao inay yihiin Boko Haram ayaa weerar ku qaaday Iskuul ku yaala Woqooyi Galbeed ee Nayjeeriya iyaga oo beegsaday iskuul dowladeed oo ay dhigtaan in ka badan 800 oo ardey ah kuwaas oo qaar ka mid ah laga soo samatabixiyay weerarka.

boqolaal arday ayaa weli la yahay tan iyo markii weerarka baabulan lagu qaaday iskuulkooda waxaana ilaa hada la soo samatabixiyay 200 oo ka mid ah ardeyda dhiganeysay iskuulkaas oo ah mid leh deegaan la seexdo ayna maamusho dowladu.

Kooxda weerarkan geystay wayaa waxaa ay wateen mootooyin waxaana ay rasaas ku bilaabeen Ilaalada iskuulka taas oo sababtay in ardey badan ay kala firxadaan kana caraaran goobta weerarka lagu qaatay oo ay dhiganayeen boqolaal ardey ah

Dadka deegaanka dhacdadan ka dhacay ee Gobolka Katsina aya sheegay in ay maqleen rasaas badan taas oo soconeysay muddo saacad ah waxaana howlgalka markii danbe ku soo biiray ciidamada circa ee Nayjeeriya kuwaas oo xoojiyay ilaalada iskuulka.

kooxda weerarka soo qaaday ayaa la rumeysan yahay in ay doonayeen inay ka xaystaan ardeydan oo dhamaantood rag ah waxaana horey weeraro iyo afduubyo noocan oo kale ah uga geystay Dalka Nayjeeriya Koxda Hubeysan ee Boko Haram.

Sannadkii 2014 kii in ka badan 270 gabdho ardey ah ayaa kooxdaasu ka afduubatay Iskuul ku yaala Waqooyi bari Nayjeeriya Magaalada Chibok waxaana ka haysteen muddo sannado ka hor inta aan qaarkood si xoog ah looga soo furan waxaana weli gacanta kooxdaas ku maqan gabdhaas qeybtood oo la sheegay inay iyagu guursadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *