Waxaa gebi ahaanba natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii dawlada dhexe iyo Puntland, kulamo kala duwan oo dhexmaray Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyna Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii la isku fahmi waayay xal u helidda muranka Doorashada 2020/2021. R wasaare Rooble, ayaa ka dalbaday Puntland, in ay magacowdo guddi-hoosaadka Doorashooyinka heer Puntland, kadibna Muqdisho la isugu yimaado shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si loo xalliyo muran ka jira.
Dhinaca Puntland ayaa la sheegayaa inay shardi ka dhigeen in marka hore Dowladda Federaalku ogolaato in Jubaland gacanteeda lagu celiyo Gobolka Gedo, si ay Doorashada uga qabtaan, taas oo Ra’iisul wasaaruhu diiday. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegay in la isku mari wayay la beddelo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, islamarkaana guddi la isla ogolyahay la sameeyo, si muranka looga gudbo.
Dhinaca kale, R W Rooble ayaa Caawa diiday in uu ka qayb-galo xaflad saagooyin ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland, waxaana la filayaa in uu berri u safro dhinaca Galmudug.