• Thu. Jul 29th, 2021

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Turkiga oo xiray dad lagu tuhmayo jaajuusiinimo

ByMadaxa Wararka

Dec 16, 2020

Turkey ayaa xirtay 11 qof oo lagu tuhmayo inay jaajuuseen islamarkaana afduubteen siyaasi mucaarad Iranian ah oo ay dooneysay Tehran, waxaa sidaas Isniintii sheegay booliska Turkiga.

Wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa xiray 11-ka qof oo Turkish ah kadib markii magaalada Istanbul lagu waayey siyaasi mucaarad reer Iran ah oo lagu magacaabo Habib Chaab, sida ay booliska sheegeen.
Habib Chaab oo dibad-joog ahaan ugu noolaa Sweden ayaa boqoday Turkiga bishii October. Warbaahinta Iran ayaa bishii November weriyey in Habib lasoo xiray, hase yeeshee ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu ugu dhammaaday xabsi Iran.
Tehran ayaa ku eedeysay Chaab inuu ku lug leeyahay koox gooni u goosato Carab ah oo dalkaas ka jirta oo lagu magacaabo ASMLA. Booliska Turkiga ayaa sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay Chaab ka qabteen magaalada Istanbul kadibna ay baabuur Van ah uga gudbiyeen xadka Iran, kahor inta aysan ku wareejin saraakiisha Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *