Booliiska Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay geeriyada 15 caruur ah iyo dhaawaca in ka badan 20 qof ka dib amrkii uu ku qarxay caruurtaasi waxyaabaha qarxa oo lo badinayo inay ka heleen meel banaan. ma cadda sababta rasmiga ah ee qaraxan waxaana siyaabo kala duwan war uga soo saaray Dowlada Afgaanistaan ururka Daalibaan iyo masuuliyiinta Deegaanka Ururka Daalibaan ayaa iska fogeeyay in ay masuul ka yihiin qaraxaas wallow dowlada ay ku eedeysay. Caruurta qaraxa wax ku noqotay ayaa la sheegay inay walxa qaraxa soo heleen ayna doonayeen inuu ka iibsado nin wada Mooto Bajaaj kaas oo markii uu caruurta la soo istaagay uu qaraxu dhacay.
Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu intaas ka badato maadama ay jiraan dhaawacyo halis ah oo ka mid ah 20 ka kale ee ku dhaawacmay, dalka afgaanistaan waxaa caadi ka ah qaraxyada noocan ah maadama ay halkaas ka dhaceen dagaalo soo laablaabtay kuwaas oo haraadiga qalabka dagaalka laga heli karo goob kasta.