• Sun. Oct 17th, 2021

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Xadiiska 15 aad Arbiciinka Baro: Anshaxa Wanaagsan

ByMadaxa Wararka

Dec 25, 2020

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee); ”Inuu yiri Rasuulkii Illaahay (scw) wuxuu yiri: Qofkii rumeeyay Alla iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.” [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Shan& Toban

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah, hadalku waa qalabka kowaad ee dadka kuu soo dhoweynaayaa ma kaa fogeynaaya, marka qofku waa inuu ku fakiro waxa uu ku hadlayo inta hadalka ku jiro afkiisa marka haddii uu rabo inuu ku hadlo wax kheyr leh oo waxtar leh ha ku hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa amase cid kaleba waa inuu iska aamusaa.

FAA’IIDADA XADIISKA 

  1. In qofku fikiro intuuna hadlin
  2. lnuu kheyr ku hadlo sharkana ka af-haysto
  3. Inuu dhowro xuquuqda jaarka
  4. ln la sooro martida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *