• Sat. May 27th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Madaxwayne Farmaajo oo ubax dhigay munaasad lagu xusayay dhalinyaradii SYL.

ByMadaxa Wararka

May 15, 2022

MD. Farmaajo ayaa sidaan kaga khudbeeyay gooobtaan “Waxaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, munaasabadda qiimaha badan ee xuska 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska ururkii gobannimo doonka ahaa ee dhallinyarada SYL. Waxaan idinku boorrinayaa inaad wax ka barataan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen midnimo, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”.

Munaasabada kadib waxaa la filayaa in madaxwaynuhu aad goobta doorashada ee teendhada Afisyoone si uu uga qayb galo doorashada madaxwaynaha jumuhuuriyada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *