• Fri. Mar 24th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Gobolka Sool & doorka uu kulahaa Soomaaliya wayn

ByMadaxa Wararka

Feb 28, 2023

Gobolka Sool waa gobol taariikh wayn qayb wayn ku leh guud ahaan dalka Soomaaliya, markaan eegno  dagaaladii lala galay gumaystihii dalka kusoo duulay qarnigii 18aad iyo 19aad. Waxaa laga xusi karaa inay garab iyo gaashaan u ahaayeen halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu kaga soo horjeeday Dawladihii Ingiiriska, Fransiiska iyo Taliyaaniga oo wakhtigaas ahaa dawladaha ugu awooda badan ee dunida ka talinayay. Waxaa la sheegaa dagaaladaas ay kaga qayb qaadanayeen halgankii xornimo doonka ahaa inay kuwaayeen dad badan oo aqoon yahan, caaqilo, iyo shacaba isugu jira si mar un lo ogaaro riyada Soomaali wayn oo xor ah.

Marka la eego cududa iyo dadaalka ay gelinayeen  halgankii lagu baadi goobayay Soomaali wayn ka xorawda gumaystaha, waxaa dadka loo adeegsaday in lagu duqeeyo diyaaradihii ingiriiska maadama ay khatar wayn ku ahaayeen ujeedada gumaystaha, taas oo keentay in la duqeeyo xarumihii iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Taleex ee ka tirsan gobolka Sool.

Dadka noocaas ah maanta in lagu khasabo inay aqbalaan in Soomaaliya la kala gooyo oo lagu daro maamulka Somaliland waa arrin uga baahan dadka fikradaas dabada ka riixaya inay wakhti badan ka fakaraan oo si kale udhigaan ugu yaraan ujeedadooda gooni goosatka ah.

Aragtida oranaysa dadka Sool dega iyo cuqaashoodu waxay qayb ka ahaayeen yagleelidii maamulka Soomaaliland sidaas awgeedna kama noqon karaan waa aragti faasid ah, dagaalada socdana aan xal u noqonayn iyo in la helo nabad waarta maxaa yeelay inay mamulka dhismihiisa qayb ka noqdaan kama turjumayso inay 100% gooni goosednimada raali ku yihiin maxaa yeelay dadka meesha isugu tagay oo dhan xiligii la aasaasayay maamulka ma matali karin dadwaynaha kuwada nool gobolada waqooyi sababtoo ah waxaa hawlahaas hogaanimayay jabhadii SNM, waxayna fursad u heshay oo ku soo beegmatay burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya 1991 iyo guud ahaan wadanka oo amni daro ay ka jirtay  dalkuna tartiib tartiib ugalay dagaalo sokeeye sidaas awgeed gobolka kaliya ee daganaansho lagu haystay ayay ahayd, dadkuna markaas baahi badan u qabay amni iyo kala danbayn nooc walba ay tahay.

Dhinaca kale markaan ka eegno maamulka Soomaaliland intuu gacanta ku dhigay maamulka gobolka Sool gaar ahaan xukuumada hadda talada haysa ee Biixi hogaaminayo inta badan waxgaradka, cuqaasha iyo salaadiintuba waa ka haajireen gobolka iyagoo ka soo horjeeday aragtida maamulka Soomaaliland, si kasta ay isugu dayeen xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Soomaaliland way usuuroobi wayday inay ka shaafiyaan tabashada dadka reer Sool ay ka qabaan maamulkaas taas ayaana keentay maanta in wax walba ay isu badalaan sida maanta xaalku yahay.

Maamulka Soomaaliland gaar ahaan xukuumada Biixi wax yaalaha ay dad badani ku dhaliileen oo kicisay carada heerka ay marayso maanta inay gaadho ayaa ah in dadkii gobolka ee waxgaradka ahaa maalinba si hoose loo laynayo iyadoon wax dagbogal ah lagu samaynayn cidda hawshaan wada iyo dadka ka danbeeya. Waxaa suuragal ah inay noqon kara dadka laynaya dadka deegaanka dad ka baxsan maamulka meesha ka jira balse masuuliyadu kagama dhacayso inay intaas kaga haraan maxaa yeelay iyagaa laga rabaa inay soo qabtaan cidda dadka laynaysa oo cadaalada horkeenan laakin macquul ma’ahan in dadka habeen iyo maalin la laayo misna wixii laynayay aan la soo qaban iyadoo gobolada kale ee maamulku ka taliyo nabdoon yihiin.

Ugu danbayn waxaan la gudboon maamulka Soomaliland inay dadka Sool daga xoriyadooda udayso haday raali ku noqdaan inay ka mid noqdaan maamulkooda isla qaataan haddii kalena ay masiirkooda udaayaan si nabad buuxda loo kala helo. Marna macquul ma’ahan in dad aan raali ku ahayn maamulkaag aaad ku sandulayso waxaana tusaale noogu filan xukunkii kacaanka iyo siduu Meesha uga baxay. Waxay mudan tahay taariikhda in wax laga barto.

Talo ahaan  waxaa la gudboon madaxwayne Biixi inuu gobolka Sool ka daayo weerarda joogtada ah sidoo kalena ciidamadiisa uu kala baxo si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo maal loona abuuro jawi labada dhinaca ay kuwada hadli karaan.

Sharmarke Abdullahi Ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *