• Fri. Mar 24th, 2023

Ikhlas Media Agency

Warar xaqiiqada ku salaysan

Xarigii Internet-ka Golis oo la gooyay

ByMadaxa Wararka

Mar 1, 2023

Garowe: Dawlada Puntland ayaa shaqadii balaarinta xariga internetka ee Shirkada Somtel hakad gelisay ka dib markii ay shaqaalaha Somtel ee qodayay xariga Fiberka ay jareen xariga Fiber Opitigii Shirkada Golis ee degmada Waaciye, taas oo saamaysay guud ahaan adeegyadii shirkada ee Puntland.

Hakadka ku yimi adeegyada Shirkadda Golis ayaa saamayn wayn ku yeeshay dhammaan ganacsiyadii kale duwanaa ee gobolka sida wax kala iibsiga, lacag dhigashada, lacag la bixida iyo wax kala gadashada maxaa yeelay dadwaynaha Puntland ayaa intooda badan isticmaala adeegyada shirkadda Golis maadama ay tahay shirkadda ugu balaaran ee ka hawlgasha deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *